Maamulka cusub ee Mareykanka ayaa ku dhaswaaqay in yy fatashaad ballaaran ku sameynayo dhammaan xafiisyada wasaaradda difaaca ee loo yaqaan Pentagon.
Donald Trump oo ah madaxweyaha cusub ee Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in musuq maasuq iyo wax isdaba marin ay ragaadisay wasaaradda difaaca sanadadii uu joogay Trump.
Elon Musk oo loo xilsaaray laxisaabtanka wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda ayaa qaaday tallaab uu ugu dhacayo dukumiintiyada sirta ah ee wasaaradda difaaca sida qarashaadka ku baxa howlgallada sirta ah ee ciidamadu ay ka fuliyaan daafaha caalamka iyo xataa lacagaha lasiiyo jawaasiista ka hoos shaqeeyo ciidamada.
Tallaabadan waxaa ka qeylla dhaamiyay saraakiisha wasaaradda difaaca oo u arka mid xasaasi ah halisna gelin karta nafta saraakiisha muhiimka ah.
Trump ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri "Shaqa wanaagsan ayuu wasaaradda difaaca ka qabanayaa Elon Musk waa in loo dhacaa galalka uu musuqu dilooday ee Pentagoonka".
Maamulkii Biden ayaa miizaaniyadda sanadlaha ee wasaaradda difaaca uqoondeeyay lacag dhan 895 Bilyan oo dollar waana lacag ku dhow 1 Tiriliyoon, Trump ayaa qorshaynaya in miizaaniyaddan aad loo dhimo.
Qorshayaasha cusub waxaa kamid ah in lalaalo dhammaan heshiisyadii wasaaradda difaaca Mareykanka ay lagashay dalalka dibadda waxaana lafilayaa in uu meesha ka baxo heshiis sanadkii hore saraakiisha Pentagon-ka ay lagaleen DF-ka Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigayay in Mareykanku 5 bilyan oo dollar uu saldhigyo uga dhiso dalka.
Garsoore American heer Federaal ah ayaa jimcihii lasoo dhaafay soo saaray qaraar mamnuucayo in lafatasho oo loo dhaco malafaatka khaaskaah ee wasaaradda difaaca balse Trump ayaa gaashaanka udaruuray wuxuuna Elon Musk ku amray in uu banaanka soo dhigo lacagaha sida xun loogu bixiyay wasaaradda difaaca