Ilo wareedyo
ayaa sheegaya in Meydka Muwaadinkaasi Kanadiyaanka ah in laga helay meel ku
dhow Xarunta Dowladda hoose ee Jaziiradda buuraleyda ah ee lagu magacaabo Joolo, taas oo ku taalla
Koonfurta dalka Filibiin, islamarkaana saldhig u ah Jamaacada Abuu Sayyaaf.
Ra’iisul
wasraaha Dowladda Kanada Ninka lagu magacaabo Jastin Trudu ayaa xaqiijiyay
dilka loo geystay Jhon Ridel, isagoona dilkiisa ku tilmaamay fal dembiyeed
Argagax leh oo ay geysteen waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada, wuxuuna ku
hanbay in Xukuumadda Filibiin ay kala shaqeyn doonaan sidii loo soo qaban lahaa
kooxdii falkaasi ka dambeeyay.
Muwaadinka u
dhashay dalka Kanada ee la gowracay waxaa todobo bilood ka hor isaga iyo laba
nin oo kale oo kasoo kala jeeda Wadamada Norway iyo Filibiin laga qafaalay
Jaziiradda Joolo ee Koonfurta Dalka Filibiin, iyadoona illaa iyo hadda aan la
ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa.
Lix todobaad
kadib afduubkooda waxay Jamaacada Abuu Sayyaaf baraha Internetka ku faafisay
Vedio Muuqaal ah oo ay kasoo muuqanayaan labada Muwaadin ee u kala dhashay
Wadamada Norway iyo Kanada, waxayna Jamaacadu dalbatay lacag Malaayiin Doollar
ah, si ay usoo deyso laheystayaasha.
Dhinaca
kalena ilo wareedyo Maxalli ah ayaa waxay sheegeen in dilka loo geysay Muwaadinka
u dhashay dalka Kanada inay ka dambeysay kadib markii uu dhamaaday Wakhtigii
loo qabtay in Dowladda Kanada ay ku bixiso lacagta madax furashada ah ee laga
doonayay, si loo sii daayo Muwaadinkaasi.
Jamaacada Abuu Sayyaaf ayaa Sanadihii lasoo dhaafay waxay afduubatay toboneeyo Muwaadiniin ah oo kasoo jeeda Wadamada reer galbeedka, waxayna badankooda sii deysay kadib markii Dowladahooda ay bixiyeen lacago furasho ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]