Somaliland oo sheegtay in ay samaynayaan sharci ku saabsan hawada.

Tuesday January 07, 2025 - 17:42:46
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Duulista iyo Hawada ee maamulka la baxay Somaliland ayaa ka dhawaajiyey in ay qorshihiisa wadaan sharci cusub oo ay kula soo noqonayaan hawada 'Somaliland'.
Fu’aad Axmed oo ah maanta ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xusay in ay wadaan sharcigii ay ku kala bixi lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Insha Allah Waxaanu diyaarinaynaa legal frame work-gii aan ku kala bixi lahayn Soomaaliya” ayuu yiri Fu’aad.

Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa maanta ansixinayey qaybtii ugu dambaysay ee Golaha Wasiirrada Somaliland kuwaas oo uu soo xushay Cirro dhammaadkii sannadkii tagey ee 2024.

Golaha waxa soo xaadiray 65 xildhibaan oo Guddoomiya Goluhu ku jiro kaas oo inta badan aan codaynin.

Dhanka kale Hawada Soomaaliya ayaa murankeedu soo baxay tan iyo intii Muuse Biixi heshiiska Is Afgarad la galey Itoobiya taas oo keentay in Dowladda Soomaaliya ay hakiso duullimaadyo ka yimi dhanka Addis Ababa. 

Somaliland ayaana xilligaa ku eedaysay Somalia in ay baalmartey dhammaan waxyaabihii lagu heshiiyey xilligii lagu soo celinayey hawada gacanta Soomaalida.

Burburkii ka dib waxa gacanta ku hayey Hawada Soomaaliya hay’ad lagu magacaabo Ekaawa oo fadhigeedu ahaa Nairobi.



Related Items

Update cookies preferences