Maalin kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Xasan Gurguurte uu ganacsiga xoolaha Soomaaliya uxiray shirkad shisheeye ayay arrinkaas qeylladhaan kasoo saareen xildhibaanno katirsan DF-ka.
Warmurtiyeed rasmi ah oo ay soo saareen inkabadan 100 xildhibaan ayay ku xaqiijiyeen in Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka uu ganacsiga xoolaha dalka uxiray ganacsade lagu magacaabo Abuu Yaasir kaasi oo udhashay dalka Yemen balse shirkado ganacsi ku leh dalka Imaaraatka Carabta.
Xildhibaannada ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen ku cambaareeyay tallaabadan uu qaaday Xasan Gurguurte waxayna ku tilmaameen khiyaano weyn oo lagu cuuryaaminayo dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaan cambaaraynaynaa falkan uu ku kacay madaxweyne Xasan Sheekh oo xadgudub ku ah xuquuqda shacabka soomaaliyeed islamarkaana cunaqabateyn ku ah ganacsiga xorta ah ee muwaadinka soomaaliyeed, arrinkan wuxuu abuurayaa in dadka tirada badan ee ka shaqeysta ganacsiga xoolaha ay beyllaha noqdaan oo ay waayaan hantidii ay heli jireen wuxuu dhabarjab ku noqonayaan kocinta dhaqaalaha wadanka"ayaa lagu yiri warka kasoo baxay boqolka xildhibaan.
In kiiskan halista ah ay xaqiijiyaan xildhibaanno farabadan oo katirsan dowladda Federaalka islamarkaana magacooda ay ku saxiixaan bayaanka ayaa banaanka soo dhigaya heerka uu gaarsiisanyahay musuq maasuqa madaxweynaha DF-ka oo astaan u ah dhulboob,burburinta dhaqaalaha dalka iyo in uu dowlado shisheeye ku wareejiyo badda iyo barriga Soomaaliyeed.
Ganacsiga xoolaha soomaaliya ayaa ahaa majaalka kaliya ee umadda ubadbaaday tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka waxayna xooluhu uga dhiganyihiin Soomaalida lafdhabar dhaqaale oo sanad walba laga helo boqolaal milyan oo Dollar.
Xasan Gurguurte oo Soomaali badan ay u yaqaanaan Dal-xaraashe ayaa ku dhaqaaqay falal lala dhakafaaray isagoona aan waxba u hambayn shacabka Soomaaliyeed.