Nairobi: Booliska oo qabtay nin lagu eedaynayo sadqaynta 3 Haween ah oo Soomaaliyeed.

Monday November 04, 2024 - 10:47:03
Liibaan Jeexoow
Waaxda dambi-baadhista dalka Kenya ee loo yaqaan DCI ayaa gacanta ku dhigtay tuhunsane Hashim Dagane Muxumed oo looga shakisan yahay dil arxan-darro ah oo 3 haween ah oo Soomaaliyeed loogu geystay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Eedaysane Hashim ayaa loo haystaa dilka Aamina Cabdirashiid, eedadeed Waris Dahabo Daa’uud, iyo ina-abtideed Nusayba Cabdi Maxamed oo iyagoo mayd ah lana jar-jaray laga helay dhawaan meelo kala duwan oo ku yaalla Machakos, Parklands, iyo Bahati ee Nairobi.

Toddobaadkii hore, dambi-baadhayaasha dilkan saddex-geesoodka ah ayaa sheegay inay aqoonsadeen Haashim inuu yahay tuhmanaha ugu weyn, waxayna bulshada la wadaageen muuqaalkiisa, iyagoo ka codsaday cid kasta oo xog ka haysa halka uu ku sugan yahay inay la wadaagaan booliiska.

Hashim ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa sarkaal ka tirsanaan jiray booliiska dalka Itoobiya, kaasi oo dalkaasi kasoo baxsaday kadib markii uu dilay xaaskiisa. Waxaana la sheegay in markii uu yimid Nairobi uu sameeyay ganacsi tagsi ah, isaga oo ka howl-gala Islii iyo Parklands.

Muuqaalka Kaamirada CCTV ayaa lagu soo waramayaa inay qabteen gaadhi la sheegay inuu watay Haashim, kaas oo dad kasoo qaaday xaafadda Islii, wax yar ka hor inta aan dhibbanayaasha meydadkooda laga helin meelo kala duwan.

Eedaysanahan ayaa laga soo qabtay deggaanka Kamukunji, wuxuuna hadda ku xidhan yahay xabsiga booliska. Waxaanay laamaha amniga ee boolisku xaqiijiyeen in toddobaadkii hore ugu yaraan 97 kiis oo dumar ah loo soo gudbiyey saddexdii bilood ee u dambeeyey.


Related Items

Update cookies preferences