Sheekh Aadan C/Raxmaan Warasame (Sheekh Aadan Sune) ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo dhawaan lala yeeshay kusoo hadal-qaaday xarumaha ku caan-baxay gaallaysiinta iyo faafinta qoomu-luudnimada ee ka jira deggaannada hoos-taga maamulka la baxay Somaliland.
Xarunta dhaqanka Hargeysa iyo Barnaamijyadeeda Book Fair-ka ayuu sheekhu sheegay in ay ka mid yihiin goobaha ugu waaweyn ee mashaariicda gaallaysiintu ay ka socdaan, isla markaana laga faafiyo dhaqannada khaniisnimada ee qoomu-luudka.
Mas’uulka xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo magaciisa la yidhaa Jaamac Muuse Jaamac ayuu sheekhu ka dhawaajiyey in shaqadiisu aanay ahayn oo kaliya gaallaysiin, balse ay u dheer tahay beerista qoomu-luudnimada, isla marakaana Khaniisiin caalamiya uu kusoo marti-qaaday magaallada Hargeysa.
"Waxaa kaloo ka mida maraakiz dhaqanka ah oon mid kaliya ahayn, qaar Naagi haysatay, may tayo badnayn, laakiin ka shacabka badani waa ninka Jaamac iyo wax la yidhaa ma garanayee, Book Fair-kana haysta, xarunta dhaqankana haysta, waxa weeyi ninkaasi tansiir kaliya ma wado, qoomu-luudnimada ayuu beeraa oo uu ku marti-qaadaa Hargeysa, nin Botoswana ka yimi oo qoomu-luud ah ayuu keenay” ayuu yiri Sheekh Aadan Sune.
Mar aanu u kuur-galnay xarunta uu sheekhu carabka ku dhuftay ee ay naagtu haysato ayaanu soo ogaanay inay jirto xarun iyaduna wadata magac dhaqan oo ah HIDDO DHAWR, oo ay leedahay naag iyaduna ku caan-baxday faafinta dhaqan-xumada oo magaceeda la yidhaa Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan).
Sahra Halgan, waxay ka mid ahaan jirtay fanaaniintii dhex socon jiray ururkii SNM, kadibna waxay aadday qurbaha, waxaanay soo laabatay iyadoo wadata mashaariic kharriban oo dhammaantood ka dhan ah diinteenna suubban ee Islaamka. Waxaanay Hargeysa ka furatay xarun lagu hadoodilay magaca "HIDDO DHAWR”.
Xarunta HIDDO DHAWR, Waagii hore gudaha magaallada Hargeysa ayay ku taallay, balse haatan waxay u guurtay dacalka galbeed ee magaallada. Waa goob ka mida goobaha ugu waaweyn ee habeenkii lagu tunto. Waxaana isugu yimaadda oo ku caweeya dhalinyaro u badan qurba-joog oo isugu jira rag iyo dumar.
Sahra Halgan oo qaawan iyo fanaaniin kale ayay habeenkii u shidan tahay goobtaasi oo ka heesa. Jiibta iyo jaanta marka la isla helo, ciyaartuna isku duba-dhacdo, ayay daawadayaashuna xilliyada dambe u xuub-siibtaan xoodaaminta iyagoo Lab iyo Dheddig isugu maran.
Habeennada qaar waxaa ka qayb-gala Gaallo isugu jirta Caddaan iyo Madow, kuwaas oo badankoodu ka shaqeeya hey’adaha caalamiga ah ee deggen Hargeysa, waxaanay xarunta tagaan iyagoo daadahaysanaya hablo yar yar oo reer Hargeysa ah oo dhammaantood ku lebisan dhar cawradooda laga dhex arkaayo.
Hablahan oo u badan kuwa ka shaqeeya he’adaha shisheeye ayay Gaalladaasi ka fushadaan danahooda, gaar ahaan marka nalalka la damiyo, gacmo-gacmaysina hadalkiisaba dhaaf, Waxaana goobtaasi si toos ah loogu cabbaa khamriga laguna soo bandhigaa nooc walba oo fawaaxish ah.
"Waxaan leeyahay hudheelladan lagu tumanayo ee habeen walba xumaanta iyo fisqigu uu ka dhacayo, halaga joojiyo ummadda…” ayuu yidhi Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle oo ka mid ahaa madax-dhaqmeed reer Hargeysa ah oo si weyn uga qaylo-dhaamiyey dhaqan-xummada ay wadaan xarumahaasi.
Sheekh Shacbaan oo ka mida culimada reer Hargeysa ayaa isagoo dhaqan-xumada xarumahan ka hadlaaya waxa uu yidhi "In dhalinyarada Dance-ka iyo ciyaarta iyo heesaha iyo dhalinyarada iyo rag iyo dumar, mutullayaal loo sameeyo, hadhaw-na laydhka loo bakhtiiyo, dhammaanteen waa innagu dambi, Ilaahayna SW, waa waxyaabaha uu innoogu cadhoonayo…”.