Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxii hore ee DF-ka Somaliya oo gelinkii dambe ee shalay shirjaa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo xooggan u jeediyey kooxda Villa Somaliya ee uu Xasan Gurguurte hoggaamiyo.
Wuxuu ku eedeyey inuu Xasan Gurguute doonayo muddo kororsi, isagoo ku gabanaya doorasho qof iyo cod ah.
Shariifku wuxuu soo hadal qaaday xiisadda ka taagaan maamulka Jubaland taas oo u dhaxeysa kooxda Villa Somaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay inay duullaan yihiin ciidanka uu Xassan Gurguurte dhawaan geeyey magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay warqadda ay soo saartay kooxda Gurguurte ee lagu soo xirayo Axmed Madoobe oo uu sheegay inay tahay mid sharci darro ah, isla markaana Axmed Madoobe uu yahay madaxa maamulka Jubbaland doorashadii uu qabsadayna ay tahay mid saxan, sida uu hadalka u dhigaye.