Xukuumadda Xasan Sheekh oo Itoobiya ku eedaysay in ay isku hubaynayso beelaha ku dhaqan Gedo.

Saturday December 07, 2024 - 17:05:41
Liibaan Jeexoow
Warsaxaafadeed ku taariikhaysnaa 6 Decmber ee maalintii shaley ayaa DF Soomaaliya ay Itoobiya ku eedaysay isku dirka beelaha ku dhaqan Gobolka Gedo.
Warmurtiyeedkan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DF ayaa lagu xusay in Itoobiya ay ciidamadeeda ka soo dhaqaajisay Degmada Doollow halkaas oo ay u soo dhaqaajisay dhinaca Buulo Xaawo. 

Warkan qoraalka ah aayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka deegaanka iyo ciidamada Federaalku ka hortageen.

Gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxa si guud isugu haya Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Federaalka iyo Axmed Madoobe oo ah midka Jubbaland.

Itoobiya oo ka faa’ideysanaysa khilaafka siyaasiyiinta Soomaalida oo aan lahayn hammi hoggaamineed ayaa Soomaaliya ka samaynaysa waxa ay doonto.

Dhanka kale Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ayaa si weyn isugu maan dhaafey heshiiskii Muuse Biixi uu la saxiixday Abiy bilowgii sannadkan.

Related Items

Update cookies preferences