Axmed-madoobe oo xabsiga dhigay saraakiil ciidan iyo boqolaal askari oo saaka ka goostay + Sabata.

Monday December 02, 2024 - 17:27:21
Liibaan Jeexoow
Xilli uu maamulka la baxay Jubbaland wajahayo xaalad adag oo dhan walba ah ayay warar soo baxay sheegayaan in mar kale uu khilaaf soo kala dhex-galay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada maamulkaasi.
Ilo-wareedyo laga helay magaallada Kismaayo ayaa ku warramaya in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sarreeyay ciidankiisa isagoo dallacsiiyay saraakiil kale oo uu kalsooni ku qabo.

Dhowr sarkaal oo looga shakiyay in ay xiriir hoose la leeyihiin Xamza Cabdi Barre ayaa iyagana la xiray, waxaana khal-khal laga dareemayaa daakhilka maamulka Jubbaland.

Arrin muujinaysa heerka uu gaaray khilaafka saraakiisha ciidamada ayaa ah in mar kale saaka askar iyo saraakiil ka badan 200 oo askari ay ka goosteen deegaanka Buurgaabo waxayna iska dhiibeen tuulada Raas Kaambooni oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaad daacad u ah Xamse Cabdi Barre.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ogaatay in 140 ka tirsanaa maleeshiyaadka Jubbaland ay xalay saqdii dhexe ka goosteen Buurgaabo, isla markaana saaka markii uu waagu barayay-na ay ka dabatageen ciidamo kale, kuwaas oo dhammaantood gaaray Raaskambooni.

Taliyaha ciidamada lugta kooxda Villa Somaliya ayaa kala furfurid ku haya maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe isagoo adeegsanaya lacago boqolaal kun oo dollar ah, waxaana la sheegaya in maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ay iyagoo dheg la qabto aan laheyn u dabeyshadeen dhanka kooxda Xamse Cabdi Barre.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale ay isku dhiibeen boqolaal askari taasi oo ka dhigan in dagaal ooge Axmed Madoobe looga itaal roonaan doono loollanada ka jira deegaannada kulaala Badweynta Hindiya ee Jaziiradaha u badan sida Kudhaa, Buurgaabo iyo Madhawa.

Warar kale ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu ku howllan yahay sidii uu isagu u hoggaamin lahaa ciidamada maamulkiisa kadibna uu duullaan ugu qaadi lahaa deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay labada dhinac ee is haya soo saareen amarro kala duwan oo midba midka kale ku amrayo ciidamadiisa in ay soo xiraan.

Related Items

Update cookies preferences