Markii ugu horraysay dowladaha reergalbeedka ayaa billaabay in ay hub casri ah ku qalabeeyaan dowladda Yukreyn ee dagaalka adag kula jirta ciidanka Ruushka.
Joe Biden ayaa qalinka ku duugay in Yukreyn la siiyo miinooyin halis ah in gantaallo ridada fog kuwaas oo si toos ah loogu beegsan karo magaalooyinka waaweyn ee Ruush-ka.
Hubka oo sanad ka hor lageeyay Yukreyn ayaa hadda loo fasaxay in ay u adeegsato ruushka, wasiirka xukuumadda Kiyeef ayaa xaqiijiyay in dufcaddii ugu horraysay ee hubkan ay u adeegsadeen ruushka wuxuuna ballan qaaday in aysan ku weerari doonin goobaha ay shacabku ku badan yihiin.
Madaxa amniga Qaranka Ruushka oo jawaab kulul ka bixinayay tallaabada uu Mareykanku qaaday ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan adeegsiga hubka Niyugleerka.
Xukuumadda Moscow waxay NATO ku eedaysay in uu kasoo tallaabay khadka cas islamarkaana ay bixin doonaan jawaab aan lamahadi doonin oo ku aaddan adeegsiga hubka wax gummaada.
Go'aanka uu qaatay Biden ayaa loo arkaa mid uu kula xifaaltamayo Donald Trump madaxweynaha cusub ee Mareykanka kaasi oo ballan qaaday in marka uu xilka lawareegto horraanta sanadda 2025-ka in uu soo afjari doono dagaalka Yukreyn