Mid ka mida gacan-yareyaasha Cabdi Ileey oo isku day dil ka badbaaday iyo mas'uul ka tirsan maamulka Somaligalbeed oo lagu dilay gobolka Jarar.

Thursday November 21, 2024 - 06:44:09
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Itoobiya ayaa ku sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarjiyo xubno aad uga ag dhawaa madaxwaynihii hore ee maamulka dabadhilifka Soomaaligalbeed ninka lagu magacaabo Cabdi Ileey.
Waxaa rasaas lagu furay gaari uu saarnaa Nasrudiin Canab iyo xubno kale oo kamid ah shaqsiyaadka sida aad ah ugu dhow Cabdi Ileey waxaana la rasaaseeyay xili ay kasoo baxeen Hotelka Golden.

Wararku waxay sheegayaan in falkan uu ka dambeeyo mid kamid ah ilaalada Mustafa Cagjar hogaamiyaha maamulka Soomaaligalbeed hadda ugu magacaaban Xabashida.

Ninkaas ayaa lagu magacaaba Efrem Abagasa waxa uuna kasoo jeeda qawmiyada Amxaarada isagoo si gaar ah mudo sanado ah ula socaday Mustafa Cagjar.

Siyaasiyiin xiriir dhow laleh Cabdi Billeey ayaa baraha bulshada ku faafiyay xogta qaabkii ay wax udhaceen wuxuuna dhaawac halis ah soo gaaray mid kamida gacan yarayaasha Cabdi ileey oo hadda lagu daweynayo isbitaal kuyaal Addis Ababa.

Todobaadkii hore ayeey ahayd markii magaalada Addis Ababa lagasoo afduubay wasiirkii hore ee cadaaladda maamulkii Cabdi Ileey kaas oo nidaamka Mustafa Cagjar uu ku xiray magaaloada Jigjiga.

Mujrimiin xilal muhiim ah kasoo qabtay nidaamkii Cabdi Ileey ayaa deggan hotello kuyaal magaalada Addis Ababa halka kuwa kale ay ubaxsadeen dhanka wadanka Kenya.

Dhinaca kale kooxo hubaysan ayaa deegaan katirsan gobolka Jarar ku dilay sarkaal sare oo katirsan ciidanka Ashahaadda ladirirka maamulka Mustafa Cagjar.

Goob joogayaal ayaa sheegay in toogasho lagu dilay Axmed Cabdullaahi Geedi oo ahaa madaxii hoggaanka Nabad gelyada degmada Yocaale, illaa iyo hadda si rasmi ah looga sheegin sababta ka dambeysa dilkiisa.

SOMALIMEMO

Related Items

Update cookies preferences