Xuutiyiinta oo weerar ku burburiyay markab Turkiga laga leeyahay oo sahay u siday Yahuudda.

Thursday November 21, 2024 - 17:12:20
Liibaan Jeexoow
Wararaka ka imaanaya wadanka Yemen ee dhulka jaziiradda Carabta ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday markab shixnado ganacsi usiday dhanka maamulka Yahuudda sahyuuniyadda.
Kooxaha Xuuthiyiinta ee Yemen ka dagaallama ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo doonayay in uu si dhuumaalaysi ah badeecado ugu gudbiyo Yahuudda sahyuuniyadda ee xasuuqa ku haysa shacabka magaalada qaza ee reer Falasdiin.

Gaashaanlle Yaxye Sariic oo ah afhayeenka Xuuthiyiinta ayaa bayaan melleteri ku sheegay in ciidankoodu ay beegsadeen markabka Turkiga ee lagu magacaabo AnaadoolS kadib markii uu jebiyay go'doomintii dhanka badda ee ay kusoo rogeen Yahuudda.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer warbaahinta ka sheegtay in ay xiriirka u jartay Yahuudda balse arrinkaas ayaa ah been cad oo diyaaradaheeda ayaa badeecado u daabula Yahuudda halka markii ugu horreeyay ee isku daya in uu sahyuuniyadda raashin uqaado lagu burburiyay biyaha badda cas ee dalka Yemen.

Kooxaha Xuuthiyiinta ayaa tan iyo markii uu billaawday fuliyay boqolaal weerar oo ka dhan ah maraakiibta uraran Yahuudda ee mari jiray biyaha gacanka cadmeed,baabul Madban iyo badda Carabta waxayna kooxahani ku guuleysteen in ay Yahuudda dhanka badda ka go'doomiyeen.

Related Items

Update cookies preferences