Wasiir Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu raalli gelin siinayo maamulka Somaliland haddii ay wax ka tabanayaan.
Fiqi waxa uu horey Somaliland ugu tilmaamey kuwo Xabashida ka jecel Soomaalida isla markaana ah goonni goosato.
Raalli gelinta Axmed M. Fiqi ayaa ku soo beegmaysa xilli Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku eedeeyay in uu nacayb u hayo Somaliland.
"Gobollada Somaliland dhammaantood waa dad sharaf leh oo ciso badan aan u hayno in laysku kaayo soofeeyona anna raalli kama noqonayo iyaguna in ay raalli ka noqonayaan u malayn maayo, haddii wax ay dhibsadeen ay jireenna raalli gelin baan ka bixinayaa” ayuu yiri Fiqi.
Waxa kale oo uu intaa raaciyey in ay jiraan dad dhiiqada ka ugaarta oo aan rabin in laysku soo dhawaado hadalkaas oo uu ula jeeday Ina Cabdishakuur.
Waxa kale oo uu xusay in aanay isku fiicnayn Muuse Biixi iyo xukuumaddiisii balse Cirro iyo xisbigiisu u muuqdaan dad macquul ah.
"Tiimkii hore oo hadda laga guuleystay xagga afkaarta aad baan isaga soo horjeednay” ayuu yiri Fiqi.
Dhanka kale waxa uu sheegay in uu raalli gelin ka bixinayo hadal ka soo yeeray C/raxmaan C/shakuur kaas oo dhawaan ka dhawaajiyey in madaxweynuhu hantidii shacabka Soomaaliyeed dhacay ama ku tagri faley isla markaana akawno gaar ah u samaystey boobkooda.