Waxaa marba marka kasii dambaysa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka Somaliya iyo maamulka la baxay Jubbaland.
Khilaafkan oo salka ku haya ajanadayaal lagu sheegay kuwo shakhsi oo uu wato Xasan Gurguurte oo doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa ganafka ku dhuftay oo ka hor-yimi Axmed-madoobe.
Ajandayaasha Xasan Gurguurte ayaa dhanka kalena xagal-daacis ku ahaa qorshayaashii Axmed-madoobe ku rabay inuu dib isugu caleemo-saaro maamulka Jubbaland.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa sii laba-kaclaysay kagadaal markii Axmed-madoobe uu dib isugu caano-shubay, mar kalena isku hubsaday kursiga madaxtooyada Jubbaland.
Maamulka Jubbaland ayaa gabi ahaanba xiriirka u jaray DF-ka Somaliya, sidoo kale warqado wiifto ah iyo waaranno qabasho ah ayaa la is-waydaarsaday.
Usbuucyadan u dambeeyey dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ciidan fara badan ku daabushay deggaanka Raaskambooni oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa dhankiisa isna ciidan kala duwan geeyey deggaanno kaabiga ku haya Raaskambooni oo kulaalaya badweynta Hindiya sida Kudhaa, Buurgaabo iyo Madhawa.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah ayaa ka socda deggaannadaasi, waxaana jira ciidan fara badan oo ka goostay Jubbaland kuna biiray dawladda federaalka Soomaaliya.
Hirdanku wuu sii xoogaystay waxaanu saameeyey dhanka isu-socodka hawada, kadib markii maamulka Jubbaland uu duullimaadyadii diyaaradaha ka mamnuucay isla markaana khadka Internet-ka ka jaray deggaanka Raaskambooni.
Sidoo kale kooxda uu hor-joogaha u yahay Xasan Gurguurte ee Villa Somaliya ayaa iyaguna dhankooda joojiyay duullimaadyada diyaaradahada ee Nairobi ilaa Kismaayo, inkastoo Muqdisho ilaa Kismaayo uu caadi yahay.
Maalmihii u dambeeyey dawladda federaalka Soomaaliya waxay sii xoojisay daabulidda ciidamada ay ku daad-guraynayso Raaskambooni, iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha rakaabka.
Diyaaradaha rakaabka ayaa gabi ahaanba joojiyey daabulidda ciidamada, kuna sababeeyey cabsi dhanka ammaanka ah oo ay sheegeen inay ka jirto garoonka Raaskambooni.
Dawladda Federaalka ayaa hakad gelisay duullimaadyada diyaaradaha, waxaanay sheegtay in diyaaradda amar-diiddo samaysa ay shatiga kala laaban doonto. Waxaana saacado badan ku xannibnaa garoonka Aadan Cadde boqollaal rakaab ah.
C/Raxmaan C/Shakuur oo ka mid ah xildhibaannada sida weyn u mucaaradsan kooxda Villa Somaliya ayaa cambaareeyey xayiraadda diyaaradaha oo uu ku tilmaamay aargoosi loogu marmarsoonayo in ay diideen ciidan loo daabulayo Raaskambooni.
"Waxaa diyaaraha rayadka ah ka reebban in ay ciidan daabulaan, waxaase ka sii daran in lagu qasbo. Waa xadgudub sharci iyo tacadi in kumanaan shacab ah laga xayiro safarradoodii, iyadoo colaad laga hurinayo degaanno kale.” Ayuu yiri C. C. Shakuur.
Dawladda Federaalka iyo Sharikadaha diyaaradaha ka shaqeeya gudaha Soomaaliya ayaa ugu dambayn ku heshiiyey laga bilaabo Sabtidan maanta ah in shirikadaha diyaaraduhu ay bixiyaan 4 diyaaradood oo daad-gureeya ciidanka la geynayo Raaskambooni.
Sidoo kale heshiiska waxaa ka mida in kharashka duullimaadyadaasi ay bixiyaan ururka sharikadaha diyaaradaha ee Soomaaliya, iyadoo qorshaha dawaladduna uu yahay in ugu yraan 20 diyaaradood oo ciidan cusub ah ka dejiso magaalada Raaskaanbooni.
Dhanka kale Wasiirka amniga Jubbaland, Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa deggaanno ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegay inuu ka badbaaday qorshe la rabay in nafta lagu dhaafiyo oo uu sheegay in ay ka dambaysay dawladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in gelinkii hore ee khamiistii ay degmada Beledxaawo ugu yimaaddeen saraakiil ay soo dirtay dawladda federaalka Soomaaliya oo ka kala tirsan ciidanka millateriga, booliska iyo nabad-sugidda.
Dhuumaal ayaa sheegay in uu gabi ahaanba uu diiday amarro ay saraakiishaasi dul-dhigeen oo kala ahaa in uu ka baxo maamulka Jubbaland isla markaana cambaareeyo, iyo in uu magaallada Beledxaawo ka baxo ama isagoo jeebbaysan xabsiga loo taxaabi doono.
Janaraalka ayaa carrabka ku dhuftay in saraakiishani ay kula kaceen isku day dil, xarig iyo tarxiil naftiisa ah balse ay ka badbaadiyeen ciidanka Itoobiya iyo saraakiishooda iyo weliba guddoomiyaha degmada Doollow.
Wasiirka oo beer-nugayl fara badani ka muuqdo ayaa u cawday taliyeyaasha saddexda ciidan ee dawladda federaalka Soomaaliya ee millateriga, booliska iyo nabad-sugidda, waxaana erayadiisa ka mid ahaa "Waa sababta aan ugu diraayo, taliyeyaasha ciidanka oo walaalladay ah, oo saddexda taliye-ciidanba aan garanaayo…”.
Janaraal Dhuumaal ayaa haatan jooga degmada Doollow ee gobolka Gedo, halkaas oo lagu soo warramayo in uu ka socda abaabul ciidan oo uu wado maamulka Jubbaland iyo weliba ciidan fara badan oo xoojin ah oo uga yimi dhanka Itoobiya.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ugu magacaaban maamulka Jubbaland ay hareereeyeen ciidan ka tirsan DF-ka Soomaaliya gurigiisa oo ku yaal gudaha magaallada Balad Xaawo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulkan go’doonka la geliyey ay xiriir dhanka taleefanka ah la sameeyeen xubno saraakiil ah oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo gabi ahaanba uu ku gacan-sayray codsiyadii ay u gudbiyeen.
Warar kale oo aanu helnay ayaa sheegaya in ciidan fara badan oo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka gaashaaman oo ay ka mid yihiin Kaarayaal ay maalmihii u dambeeyey kasoo tallaabeen xuduud-beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ku jihaysan gobolka Gedo.
Wararkii ugu dambeeyey maanta oo Sabtiya nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay weli kusoo qulqulayaan gudaha Soomaaliya, iyadoo qaybo ka mida magaallooyinka Soomaali galbeed laga soo sheegayo boqollaal Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo soo dhex jibaaxaya deggaannadaasi.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku eedaysay dawladda Itoobiya, faro-gelin iyo iska hor keen beellaha ah oo ay ka waddo gobolka Gedo, taas oo ka dhan ah ayay tiri madax-bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.