Wasiirka khaarajiga Iiraan oo arrimo layaab leh kasoo tebiyay kulankiisii u dambeeyay ee uu la yeeshay Bashaar Al-Asad.

Tuesday December 10, 2024 - 08:43:34
Liibaan Jeexoow
Markii ugu horraysay mas'uul sare oo katirsan dowladad Shiicada Iiraan ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu ku sugnaa Bishaar Al-Asad madaxweynihii Suuriya ee xilka laga tuuray.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Cabaas Caraaqji ayaa shaaca ka qaaday qeyb ka mid ah faahfaahinta kulankii ugu dambeeyay ee uu dhawaan la yeeshay madaxweynihii sida qasabka ah lagu riday ee Suuriya, Bashar al-Assad.

Wuxuu sheegay in maalin jimco ah uu kulan laqaatay Al-Asad balse uu wejigiisa ka dareemayay anfariir iyo in uusan ku qanacsanayn qaabka ay ciidamadiisu u dagaal-gelayaan.

"Bishaar waxaan islasoo qaadnay xaaladda Suuriya iyo horumarka layaabka leh ee ay sameynayaan kooxaha mucaaradka balse wuxuu umuuqday nin aan ku kalsooneyn qaab dagaaleedka ciidankiisa”ayuu yiri Caraaqji.

Mas’uulkan Iiraaniga ah wuxuu soo hadal-qaaday sababta soo dedejisay in uu burburo nidaamkii Bacthiga Suuriya ee mudada ka badan nus qarniga maamulayay dalka Suuriya isagoo u sababeeyay dagaalka Ruushka ee Yukreyn ka socda iyo guuldarrooyinkii dagaalka Lubnaan dhabarka loogu saariyay Ururka isku magacaabay Xisbullaah.

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa mar kale yiri " Bashar al-Asad laftiisa markii aan la kulannay aniga iyo Cali Laarjaani lataliyaha hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran waxa uu la yaabanaa oo uu ka cabanayay hab dhaqanka ciidankiisa oo uu sheegay in aysan si geesinimo leh udagaallameynin".

Isagoo wareysi siinayay telefeshinka ku hadla afka xukuumadda Shiicada Iiraan ayuu intaas ku daray in maalmihii ugu dambeeyay ee xukunkiisa uu Bishaar uusan ku qanacsaneyn ciidankiisa uu ku tuhunsanaa in ay khiyaameeyeen isagoo tusaale usoo qaatay dagaalkii Xalab oo uu sheegay in sidii la rabay aysan u dagaallamin.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ayaa wareysigiisa ku sheegay in xoogagga kacdoonka Suuriya ay dowladaha gobolka iyo kuwa caalamka ka yaabiyeen markii ay maalmo kooban ku rideen mid ka mida dowladaha ugu awoodda badan mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.

Related Items

Update cookies preferences