Waxaa fashil ismariwaa kusoo idlaaday wadahadallo saacado badan qaatay oo magaalada Nairobi ay ku yeesheen madaxa xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas'uuliyiin Kenyaan ah.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ganafka ku dhufatay soo jeedimo uga yimid Xamza Cabdi Barre oo ahaa in Axmed Madoobe lagu qasbo in uu isaga tago hoggaaminta maamulka Jubbaland haddii kale ay dagaallo culus dhici doonaan.
Wadahadallada oo ka dhacay magaalada Nairobi waxaa dhanka Kenya uga qeyb gelayay taliyaha ciidanka sirdoonka,wasiirka difaaca iyo wasiirka arrimaha dibadda,Xamza Cabdi Barre wuxuu ka biya diiday dalab ay soo gudbisay Kenya kaasi oo faraya xukuumadda Muqdisho in ay deegaanka Raaskaambooni dib uga celiso ciidamadeeda ay kusoo daad guraysay isbuucii hore.
Siyaasiyiin iyo ganacsato taageersan Axmed Madoobe oo kulamada qeyb ka ahaa ayaa uga digay Xamza Barre weerarada uu la maaganyahay magaalooyinka Afmadoow, Dhoobleey iyo Kismaayo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Kenya oo saameyn ku leh maamulka Axmed Madoobe ay ka baqdin qabto in xiisadaha u dhaxeeya labada maamul ee dabadhilifyada ah ay halis geliyaan amnigeeda gudaha.
Bishaan gudaheeda ayay dowladda Kenya ku fashilantay isku dayo ay ku doonaysay in ay ku dhax dhaxaadiso dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland basle waxay xaaladdu sii xumaatay kadib markii uu Axmed 25-kii bishaan iclaamiyay in dib loo doortay.