HARGEYSA: Suuqa WAAHEEN oo dib loo furay kadib markii uu ku shuf-beellay dab qabsaday [SAWIRRO].

Sunday December 01, 2024 - 08:49:47
Liibaan Jeexoow
Suuqa WAAHEEN oo ah suuqa ugu weyn magaallada Hargeysa ayaa dibu-dhis ballaaran lagu sameeyey kadib markii uu ku shuf-beellay dab qabsaday horraanta bishii April 2022.
Suuqan oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa haatan xariga laga jaray 24 sekadood oo ka kooban 644 (Lix boqol, Afartan iyo Afar) meheradood oo qaab casri ah loo dhisay, loona dhammeeyey waddooyinkii, goobtii gaadiidka macaashiisha iyo kuwa gurmadka.

M/weynaha xilka kasii degaya Muuse Biixi Cabdi oo xariga ka jaray dibu-dhiska suuqqan ayaa u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in dib loo dhiso suuqan, lagana hir-geliyo dhismeyaal dhaadheer oo imkaaniyaadkii suuq looga baahnaa loo wada dhamaystiray.

Suuqan oo xirnaa muddo ku siman labo sanno iyo dhawr bilood, ayaa haatan dib u hawl-geli doona, waxaana Hantida ku baaba’day dabkaasi lagu qiimeeyey ku dhowaad Labo Bilyan oo Dollar, taas oo ay lahaayeen guud ahaan ganacsatadii Soomaaliyeed ee suuqaasi ku ganacsan jirtay.

Related Items

Update cookies preferences