Xildhibaannada labada aqal ee waxa loogu yeero baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan ay ku ansixiyeen 18 xubnood oo golaha wasiirradu u soo magacaabeen guddida doorashooyinka iyo soohdimaha qaranka.
Kulanka xildhibaannada labada Aqal ayaa ku furmay buuq, sawaxan iyo fawdo, waxaana la arkayay xildhibaannada qaarkood oo ka orinaya gudaha baarlamaanta isla markaana yeerinaya firimbi, iyadoo in muddo ah ay fawdadaasi socotay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa sheegay in xubnaha guddiga doorashada ay ansixiyeen 169 xildhibaan , sidoo kale ay diideen 6 xildhibaan, waxaanu intaa ku daray in aysan jirin cid ka aamustay, waxaana sidaa ku meel-maray mid ka mida ajandayaashii Xasan Gurguurte.
Sida baraha bulshada lagu baahiyey waxaa la arkaayay muddadii codayntu socotay xildhibaanno mucaarad ah oo buuq, sawaxan iyo jahawareer ka aloosay golaha dhexdiisa isla markaana firimbiyo afuufaya, iyo qaar la feertamaya ciidan soo galay gudaha madasha.
Guddidan la ansixiyey ayay shaqadoodu tahay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo dadka kasoo horjeedaa sheegayaan in qabsoomiddeedu xilligan aanay suuro-gal ahayn, balse Xasan Gurguurte iyo kooxdiisu ay ku rabaan oo kaliya muddo-kororsi.
Tallaabadan ayaa kusoo aadayeysa, xilli xasaasiya oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka, iyada oo qorshaha Villa Soomaaliya ay si weyn uga biyo-diideen Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.