Waxaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ku geeriyooday Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo kamid ahaa baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana xilal kala duwan soo qabtay.
Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha aqalka sare ayaa xaqiijiyay geeriday Gaagaab.
Siyaasigan dhintay ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya, wuxuu horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.
Sidoo kale Gaagaab ayaa kamid ahaa odayaashii madaxya weynta ahaa ee xerada Doofaareey Mbagaati Kenya kusoo dhisay DF-ka Soomaaliya isagoona wax ka qoray dastuur ku sheegga ay hadda ku dhaqanto xukuumadda Villa Somalia.
Sanadadii uu Cabdullaahi Yuusuf maamulayay maamulka Puntland iyo DF-ka ayuu kamid ahaa saraakiil usafri jiray dalka Itoobiya si ay kulamo ulasoo yeeshaan jabhaddii TPLF ee wadankaasi maamulaysay