Dagaalka ka holcaya wadanka Itoobiya ayaa sababay in ay kala furfurtaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xabashida, arrinkaas oo durbadiiba saameeyay hab-dhismeedka ciidankaasi.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in uu ka fallaagoobay xukuumadda Abiy Axmed kuna biiray kooxaha fallaagada Amxaarada ee loo yaqaan Faano.
Korneyl Abera Azanaw oo ka mid ahaa miciya-weynta ciidanka Xabashida ayaa goostay wuxuuna u galay maleeshiyaadka mucaaradka qowmiyadda Amxaarada sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay.
Abera Azanaw wuxuu ahaa madaxii kala-furfurka walxaha qarxa ee dowladda Itoobiya, wuxuuna si gaar ah u qaabilsanaa in uu haraadiga walxaha qarxa ka nadiifiyo deegaannadii lagu dagaallamay ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Sababta uu u goostay ayuu ku sheegay qaab heyb-sooc ah oo loola dhaqmay kadib markii tiro laba jeer ah la xiray isla markaana lagu tacdiibiyay xabsiyo ay gacanta ku hayaan ciidamada sirdoonka nidaamka Abiy Axmed.
Abera Azanaw ayaa caddeymihiisa ku sheegay in Abiy Axmed uu beegsi gaar ah ku hayo saraakiisha ciidanka ee kasoo jeedo qowmiyadda Amxaarada, ninkan ayaa 6 bilood ka hor laga xiray magaalada Gonder kadibna 3 bilood kadib lasii daayay laakin mar kale ayay ciidamada sirdoonku kala baxeen gurigiisa wuxuuna saddex bilood oo kale kusoo qaatay xabsi uu Ruushku dhisay oo lagu magacaabo Aziizoo.
Korneylkan Itoobiyaanka ah ee ku biiray kooxda Faano ayaa reja-xumo ka muujiyay in itoobiya dib isugu soo laabato wuxuuna carrabaabay in waxa ka socda ismaamulka Amxaarada ay yihiin isir sifeyn halis ah.
Abera Azanaw ayaa intii aan la xirin ka hor wuxuu kasoo muuqan jiray warbaahinta isagoo kulamo la qaadanaya saraakiil American ah oo ay ka wada shaqeynayeen kala furfuridda walxaha qarxa.
Tobanaan Jeneraal oo ka tirsanaa millateriga Itoobiya ayaa sidaan oo kale horay ugu biiray Fano waxaana ka mid ahaa Jeneraal Tafara Mamo.