Dawladda Xabashida Itoobiya oo jaanis fiican ka dhex aragtay khilaafka maamullada Soomaaliya ayaa haatan boorka ka jafaysa xiriirkii ay la lahayd maamulka Jubbaland.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in saraakiil Itoobiyaan ah oo shalay diyaarad millateri ku tagay magaallada Kismaayo ay kulamo gaar ah la yeesheen Axmed-madoobe.
Saraakiishan Itoobiyaanka ah ayay wararku tibaaxayaan in qorshahoodu yahay gacan-siinta maamulka Jubbaland oo khilaaf siyaasadeed oo cakirani kala dhexeeyo dawladda federaalka Soomaaliya.
Wefti ay wasiirro ka mid yihiin oo uu hoggaaminayo M/weyne-xigeenka Jubbaland Max’uud Sayid Aden oo casuumad ka helay Itoobiya ayaa shalay ka degay Addis Ababa, iyagoo halkaas wada-hadallo kula leh madaxda dalkaasi.
Waxaa maalmihii u dambeeyey la arkaayay kumanaan askar Itoobiyaan ah oo kasoo gudbaya xad-beenaadka Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Maamulka Jubbaland iyo Itoobiya ayaa ilaa hadda war rasmiya aan kasoo saarin kulannadan ka kala dhacay Kismaayo iyo Addis Ababa ee ay wada yeesheen madaxda labada dhinac.
Tallaabooyinkan ay maalmahan u dambaysay qaadaysay Itoobiya ayaa imanaya kadib markii ay kooxda Villa Somaliya isku maan-dhaafeen heshiiskii ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.
Waxaa muuqata in Itoobiyaanku dhagaha ka furaysateen diidmadii kaga timi maamulka Villa Somaliya oo ku amray inay ka baxaan dalka dhammaadka sannadkan, isla markaana aanay qayb ka noqon doonin hawl-galka cusub ee AUSSOM.