Al-Shabaab oo duqaysay xero ay joogeen askarta Axmed-madoobe iyo weerarro ka dhacay Bakool.

Monday December 09, 2024 - 07:55:42
Liibaan Jeexoow
Iyadoo Jihaadiyiinta Soomaaliya ay loollan adag kula jiraan Soo-duulayaasha Afrikaanta iyo daba-dhilifyadooda Soomaalida ayaa saacadihii u dambeeyey waxaa dhacay hawl-gallo kala duwan.
Xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa madaafiic ku duqeeyey xerada maleeshiyaadka Jubbaland ee deggaanka Buulo Xaaji ee duleedka Kismaayo.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in gabi ahaanba madaafiicdu ay ku hoobteen gudaha xerada isla markaana uu jiro khasaare kala duwan oo gaaray maleehiyada Axmed-madoobe.

Gobolka Bakool, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa sidoo kale xalay dagaal culus ku miray maleeshiyaadka Koonfur Galbeed ee saldhigga degmada Waajid iyo xerada degmada Ceel Barde.

Related Items

Update cookies preferences