Ugu yaraan 50 qof oo rayid ah oo diyaaradaha Itoobiya ku xasuuqeen gobolka Amxaarada.

Monday December 09, 2024 - 13:46:12
Liibaan Jeexoow
Warbixinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya weeraro dad badan ay ku dhinteen oo diyaaradaha dagaalka Itoobiya ka geeysteen gobolka amxaarada.
Ugu yaraan 50 qof oo rayid ah ayaa ku dhintey kadib markii diyaarado dagaal oo ay leeyahay mamulka Abiy Ahmed ay weerareen babuur xamuul ah oo ku safrayay meel u dhaw degmada Dawunt ee dhaca waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Sida dad goob-joogeyaal ah ay u sheegeen warbaahinta BBC qeybteeda afka amxaariga dadka la laayay oo saarnaa babuur xamuul oo loo yaqaan Cino-truck ayaa ahaa dad rayid ah kuwaas oo kasoo laabanayay hawlo kala duwan, sida suuqyada furan, raadin shaqo, iyo Qotti ka yimid beerahooda.

Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in 2 diyaarad oo ah kuwa aan duuliyaha laheeyn ay in muddo saacado ah ka dul wareegayeen aagga weerarku ka dhacay ka hor intaan weerarka la fulin. Gawaarida la duqeeyay, ayaa la bartilmaameedsaday xili ay marayeen dhul buuro ah.

"Waa wax aan hadal lagu cabbiri karin,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay BBC-da Af-Amxaariga, isagoo ka hadlayay burburka goobta. Goobjoogeyaasha ayaa sheegay inay arkeen qaybo ka mid ah jirka dadka oo ku firidhsan goobta.

Dowladda Itoobiya wali wax war ah kama soo saarin duqeymahan lagu eedeeyay in ciidankoodu fuliyeen.

Dadka aad ugu duun dhaloola dagaalada ka socda gobolka amxaarada ee dalka itoobiya ayaa sheegay maamulka Abiy Axmed ay ka fuliyeen gobolka Amxaarada in ka badan 100 weerar oo dhan ka cirka ah ah, tan iyo bishii Agoosto 2023, iyadoo ay duqeymahaas ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.

Related Items

Update cookies preferences