Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashaar Al Asad ayaa la xaqiijiyey in uu ka degay magaalada Moscow ka dib markii uu magangelyo siyaasadeed ka helay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Al Asad iyo qoyskiisa ayaa ugu dambeyn qoxoonti ku noqonaya dalka Ruushka.
Nidaamka talada laga cayriyey ee Suuriya ka arrimin jirey ayaa hore u barakiciyey malaayiin shacab ah isaga oo adeegsanaya kooxaha Shiicada, Ururka Xisbullah, Ruushka iyo Dowladda Iiraan.
Magangelyadan ayaa soo afjartey 24 sano oo uu talada dalkaasi hayey ninka lagu magacaabo Bashaar Al Asad.
Shaley markii kooxaha mucaaridku qabsadeen Dimishiq waxa la arkayey iyaga oo boqollaal ruux ka sii daynaya xabsiyada dalkaas.
Dadka qaar ayaa hadalladooda laga dheehanayey xataa in aaney ogeyn waxa dhacey iyo isbeddelka. Kuwo kale ayaa xirnaa illaa xilligii Xaafid Al Asad kuwaas oo u haystey in weli uu nool yahay.
Kuwo kale ayaa dil ka badbaadey. Muuqaal la baahiyey ayaa waxa ka soo dhexmuuqday maxaabiis ay khaarajintoodii ka dhinnayd 45daqiiqo keliya laakiin qadarka Ilaahay ayaa sidaa ku badbaadiyey.
Dhanka kale waxa falanqeeyayaashu sheegayaan in Ruushka looga adkaadey siyaasaddii Bariga Dhexe halkaasna uu ku waayey siyaasi daacad u ahaa oo maamuli jirey buqcad muhiim ah.