Qarax lagu qariyay mooto ku shaqeeysa koronto ayaa saaka oo talaada ah lagu dilay sarkaal sare oo Ruush ah oo ka tirsan ciidamada ilaalinta hubka nukliyeerka ee Moscow, sida ay saraakiil ruush u xaqiijiyeen warbaahinta Reuters.
Sarkaalkan oo lugu magacaabo Gaashaanle Sare Igor Kirillov, oo ah taliyaha ciidamada Difaaca Nukliyeerka, Bayoolojiga iyo Kiimikada ee Ruushka, ayaa lagu dilay bannaanka dhisme dabaq ah oo ku yaalla wadada Ryazansky Prospekt ee magaalada moscow.
"Igor Kirillov, madaxa ciidamada shucaaca, kiimikada iyo bayoolojiga ee ciidamada qalabka sida ee Federaalka Ruushka, iyo kaaliyihiisii ayaa la dilay," ayay ku dhaheen saraakiishu warbaahinta Reuters.
Sawirro lagu daabacay kanaallada Telegram ee Ruushka ayaa muujiyay albaab burbursan oo dhisme ah oo lagu dhex daadiyay dhagxaan, iyo laba mayd oo ku jiifa baraf dhiiggu ku daatay.
Muuqaallo ay Reuters ka soo duubtay goobta ayaa muujinayay goob boolisku go'doomiyeen.
Ciidamada difaaca kiimikada iyo bayoolojiga ee Ruushka, oo loo yaqaan RKhBZ, waa ciidan khaas ah oo ka shaqeeya xaaladaha ay jiraan shucaac, sun kiimiko ah iyo halis bayooloji ah.
Ukraine ayaa sheegatay dilka sarkaalkan Ruush-ka ah, waxaanay ku eedaysay inuu mas’uul ka ahaa adeegsiga hubka Kiimikada ah ee ka dhanka ahaa ciidamadeeda.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ilo xogogaal ah oo ka tirsan hey’adda sirdoonka Ukraine oo loo soo gaabsho SBU ay u xaqiijiyeen in iyagu ay ka dambeeyeen weerarkaasi.
Isniintii, xeer ilaaliyeyaasha Ukraine ayaa ku soo oogay Kirillov isagoo aan joogin danbiyo ku saabsan adeegsiga hubka kiimikada ee la mamnuucay gudaha Ukraine, sida ay sheegtay hay’adda ammaanka ee Ukraine, sida uu baahiyay Kyiv Independent.
Ruushku wuxuu beeniyay eedeymahaas.
Bishii Oktoobar, Boqortooyada Ingiriiska ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Kirillov iyo ciidamada ilaalinta nukliyeerka sababo la xiriira adeegsiga sunta dadka lagu kala eryo iyo warbixino dhowr ah oo ku saabsan isticmaalka maadada sunta neefta ku xannibta ee chloropicrin ee goobaha dagaalka.