Ganacsatada Xoolaha ee maamulka Somaliland ayaa maalintii shaley ahayd Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in uu cid gaar ah kooto ugu xirey xoolaha nool.
Dadka ka ganacsada xoolaha oo warbaahinta la hadley waxa ay sheegeen in Xasan Sheekh uu xoolihii kooto/keligii u xirey ganacsade Carbeed oo lagu magacaabo Al Yaasir.
Ganacsadahan Carbeed ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in aanu lacagta xoolaha si fiican isaga bixin.
"Al Jaabir waa ganacsade Carbeed, marka uu xoolaha kaa iibsado galinka dambeba lacagtaada uu ku siinayaa laakiin Al Yaasir sidaas maaha” ayuu yiri mid ka mida ganacsatada xoolaha.
Dadka ka ganacsada xoolaha ayaa sidoo kale sheegay in xoolaha ka yimaadda magaalooyinka Soomaaligalbeed iyo meelo kale oo ay Soomaalidu degtoba ay ka dhoofaan dekedda Berbera.
"Waxaan jiraa 90 sano dawlado badan waan u soo joogay, wali qof xoolaha siyaasadeeya Xasan Sheekh ka hor ma arkin” ayuu yiri mid ka mida dadka ka ganacsada xoolaha.
Suuqyada Xoolaha ee Gobollada Waqooyi ayaa aad looga dareemay go’aanka Xasan Sheekh ee la sheegay in uu Al Yaasir sida gaar ah ugu xirey xoolaha taas oo ka dhigan in aaney cidkale dhoofin karin xoolaha Soomaalida.