MUQDISHO: Suuqa Bakaaraha oo maanta xiran iyo sababta.

Saturday February 08, 2025 - 12:17:41
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uu gabi ahaanba xiran yahay suuqa weyn ee Bakaaraha, kadib markii kooxda Xasan Gurguurte ay lacago fara badan oo Baad ah kusoo rogeen ganacsatada Soomaaliyeed.
Qaar ka mida ganacsatada oo warbaahinta maxalliga ah u warramay ayaa sheegay in markii ay awoodi waayeen bixinta lacagahan Baadda ah ee lagu soo rogay ay go’aansadeen in gabi ahaanba ay albaabada isugu dhuftaan meheradahoodii ay ku ganacsanayeen.

Mid ka mida ganacsatada ayaa sheegay in lacagaha Baadda ah ee haatan lagu soo rogay ay gaarayaan ilaa $150 Dollar oo dheeraad ah, taas oo laga rabo ganacsatada, laguna amray inay bixiyaan lacagtaasi haddii kalena meheradaha ay xiraan.

Xirista suuqa Bakaaraha ayaa yimi kadib markii xalay ay ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir soo saareen War qoraal ah oo lagu sheegay in maanta oo Sabtiya uu billaaban doono go’aan ay si wadajir ah u gaareen, oo gabi ahaanba lagu joojiyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga caasimadda, kadib markii lacago aanay bixin karayn oo Baad ah lagu soo rogay.

Related Items

Update cookies preferences