Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya dagaallo maanta xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka dawladda ku dhex-maray bacaadka Faarax Aadan ee duleedka magaallada Xarar Dheere.
Dagaalladan ayaa la sheegayaa in lagu jabiyey maleeshiyaadka dawladda federaalka Soomaaliya, waxaana jira khasaare xooggan oo la gaarsiiyey sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo aanu helnay.
Faah-faahin ku aaddan tirakoobka khasaaraha dagaalkan weli ma aanaan helin, balse wuxuu imanayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ay weerarro kala duwani ka dhaceen gobollada Banaadir, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan, kuwaasoo wax-yeello ba'an loogu geystay ciidamada huwanta ee isku soo bahaystay muslimiinta Soomaaliyeed.