Wararka ka imanaya gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay gudaha magaallada Baydhabo.
Qaraxyadan ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday labo bar kantarool oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed.
Weli ma aanaan helin faahfaahin ku aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi oo maleeshiyaadka lala beegsaday ay si gaar ah uga tirsanaayeen jawaasiista NISA.
Hawl-gallada kala duwan ee sida joogtada ah ay u fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ayaa dhiig-bax daran ku ah maleeshiyaadka dabadhilifyada iyo ciidamada shisheeye ee kusoo duullay dalkan Soomaaliyeed.