Waxa saaka dab ka kacay suuqa lagu magacaabo Suuq-Bacaad ee magaalada Muqdisho. Suuqa ayaa markaliya lagu war helay isaga oo gubanaya taas oo isweydiin dhalisay.
Ilaa hadda waxa socda dedaallo lagu daminayo suuqaas. Dhawaan waxa sidan oo kale u gubtay qayb ka mida Suuqa Gobonnimo ee Hargeysa kaas oo markii la qiimeeyay hantidii ku luntay ay kor u dhaaftey 1milyan oo doolar iyo weliba suuqa Qabri Bayax ee Soomaali-galbeed.
Sannadihii ugu dambeeyay waxa gubtay suuqyo badan oo ku kala yaalla dhammaan deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika.
Lama oga cidda gubta runtiina baaris laguma sameeyo ee markii dhibtu dhacdo halkaas ayaa lagu dhaafaa waxa aanay dadka Soomaaliyeed bilaabaan in ay qaaraammo iska ururiyaan si loo siiyo dadkii hantidooda ku waayey dababkaas ka kacay suuqyadaas.