shirkadda Ethiopian Airlines oo joojisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dalka Ereteriya.

Tuesday September 03, 2024 - 14:45:01
Liibaan Jeexoow
Shirkadda duulimaadyada dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka Ereteriya.
Waxaa sii xumaanaya xiriirka diblumaasiyadeed ee udhaxeeya dowladaha saliibiyiinta Itoobiya iyo Eereteriya waxaana laga cabsi qabaa in ay labada dhinac colaad hubaysan ay ka dhax qaraxdo.

Mid kamida canaasirtii ugu muhiimsaneed ee isku xirayay xukuumadaha Asmara iyo Addis abab ayaa go'day arrinkaas oo weji cusub u yeelaya xiriirka udhaxeey Abiy iyo Afawarki.

shirkadda duulimaadyada Itoobiya Iayaa ku dhawaaqday in gebi ahaanba ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka Erereteriya laga billaabo maanta oo ah 3 September 2024.

Go'aankan ayaa umuuqda mid ay shirkadda ugasii hormarayso mudadii mamnuucidda ee dowladda Ereteriya horay ugu qabatay oo aheyd 30-ka september.

Bayaan kasoo baxay shirkadda ayaa sidaan uqornaa

"Shirkadda Ethiopian Airlines waxay ka xun tahay inay ogeysiiso macaamiisheeda qaaliga ah ee ku safraya ama ka imanaya Asmara inay joojisay duulimaadyadeeda Asmara laga bilaabo Sebtember 3, 2024, sababo la xiriira xaalado aad u adag oo ay kala kulantay Eritrea, kuwaas oo ka baxsan awooddeeda".

Go'aankan ayaa ka dhigan in ay meesha ka baxday kalsoonidii udhaxeysay Abiy Axmed iyo Afawarki, sanaddii 2018 ayuu R/wasaaraha xabashida iclaamiyay in uu dib usoo celiyay cilaaqaadkii kala dhaxeeyay Ereteriya oo xiriirkoodu go'ay sanaddii 1998-dii kolkaas oo labada dal ay dagaallo ka dhax qarxeen.

Sanaddii 2020-kii ayay dowladda Ereteriya kumanaan kun oo askari udirtay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya iyadoona si toos ah uga qeyb qaadatay dagaalkii ka dhanka ahaa jabhadda qowmiyadda Tigreega ee loo yaqaan TPLF.

Related Items

Update cookies preferences