Siraaca dhiigga badan ku daatay ee ka holcaya wadanka Suudaan ayaa isku bedelay mid caalami ah kadib markii dalkaas loo daabulay calooshood ushaqeystayaal saliibiyiin ah kuwaas oo laga keenay daafaha caalamka.
Warbixin cusub oo soo baxday ayaa daaha ka faydaysa in dowladda Imaaraatka carabtu ay boqolaal murtazaqo saliibiyiin ah geysay wadanka Suudaan si ay uga barbar dagaallammaan kooxda janjawiidka ee loo yaqaan Dacmu Sariic ama RSF.
Wargeyska Lasiila Fiika ee kasoo baxa dalka Kolombiya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 300 oo askar Kolombiyaan ah loo geeyay wadanka Suudaan qaab calooshood ushaqeystanimo.
Askartan oo ay ka mid yihiin saraakiil howlgab Kolombiyaan ah ayaa la geeyay wadanka Imaaraatka Carabta kadibna waxaa loosii gudbiyay bariga qaaradda Afrika halkaas oo ay ka dagaallamayaan.
Shirkad Kolombiyaan ah oo lagu magacaabo A4SI ayaa Imaaraatka ka qaadatay qandaraaska ciidamada loogasoo aruurinayo Koonfurta qaaradda America iyadoo been usheegaysa ehellada askarta.
Saraakiisha Kolombiyaanka ah ayaa askarta u sheegay in ay waardiye ka qabanayaan shirkadaha naaftada imaaraadka Carabta kadibna ay qaadan doonaan lacago mushaaraad kumanaan Dollar ah.
Warbixinnadu waxay caddeynayaan in 40 ka mid ah calooshood-u-shaqeystayaasha laga keenay Koonfurta Ameerika la geeyay jiidaha dagaalka ee dalka Suudaan.
Askartaasi murtazaqda ah ayaa la sheegayaa in dhowr askari laga dilay halka tira kalena ay dhaawacyo soo gaareen iyagoo ka barbar dagaallamaya fallaagada Janjawiidka ee RSF loo yaqaan.
Ehellada 3 ka mid ah calooshood-u-shaqeystayaasha Saliibiyiinta ee Suudaan lagu dilay ayaa sheegay in wiilashooda been loo sheegay oo aysan rabin in Afrika ay ka dagaallamaan.
Xukuumadda Imaaraatka cabata ayaa la rumeysan yahay in kumanaan Calooshood-u-shaqaystayaal caalami ah ay geysay wadamada Yemen, Liibiya iyo Suudaan halkaas oo ay uga jirto dagaal ashahaadda-la-dirirnimo ah.
Xukuumadda Suudaan ee uu madaxda ka yahay Jeneraal Cabdifataax Alburhaan ayaa horay Imaaraatka Carabta ugu eedaysay in uu mas'uul ka yahay macaluusha iyo colaadda ku habsatay shacabka Suudaan.