Dawladaha ay ugu horeeyaan reer galbeedka ee isku soo bahaystay duullaanka Soomaaliya ayaa wajahaya marxalad aad u adag oo dhan walba ah.
Ururka midowga Yurub oo ku dhowaad 20 sano kaligiis ku ahaa maal-gelinta ciidamada afrikaanta ayaa hadda gacanta ka taagay sii wedidda maal-gelintan sababa laxiriira jeebabkooda oo sii faaruqaya iyo in natiijo lagu qanci karo oo ay soo hoyn waayeen ciidamada calooshood-u-shaqeystayaasha Afrika.
Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ururka Midowga Yurub oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka dardaar weriyay mustaqbalka ciidamada afrikaanta ee ku sugan Soomaaliya wuxuu sheegay in illaa iyo hadda aan aragti midaysan laga laheyn sida uu noqonayo howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dowladaha ka qeyb-qaadanayo.
Borrell ayaa carrabaabay in midowga Yurub iyo xulufadiisu aysan heyn dhaqaalihii lagu sii wadi lahaa duullaanka afrikaanta ee dalka Soomaaliya.
Isagoo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan geeska afrika iyo halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayuu sheegay in aysan iyaga u muuqan guul weyn oo ciidamada afrikaanta ah ay ka keeneen Soomaaliya isla markaana ay muddo dheer kali ku ahaayeen bixinta mushaaraadka ku baxa ciidamada afrikaanta.
Midowga Yurub oo hadda u muuqda mid daalay isla markaana la kulmay fuuq-bax maaliyadeed ayaa ku baaqay in culeyska lala qeybsado wuxuuna usoo jeediyay waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo Midowga Afrika in ay bixiyaan qeyb ka mid ah qarashka ku baxaya calooshood-ushaqeystayaasha ku sugan Soomaaliya arrinkaas oo u dhigma in uu leeyahay "howl kuma sii jirayo haddii aan dhibka la wada qeybsanayn”.
Qaylo-dhaanta ka timid midowga Yurub ayaa imaanaysa xilli reergalbeedku ay fuuq-bax dhaqaale ku wajahayaan dagaallada ka socda Yukreyn iyo Qaza ee dhulka Falasdiin iyagoo bil walba balaayiin dollar siiya xukuumadaha Yahuudda iyo Yukreyn.
Cabsida ugu daran ee hadda haysata dowladaha reer Yurub iyo kuwa Afrika ayaa ah in Trump uu jari doono dhaqaalihii faraha badnaa ee Mareykanku ku bixin jiray dalalka dibadda