Madaxweynaha maraykanka ee xilka kasii degaya Joe Biden ayaa cafis u fidiyey wiilkiisa Hunter Biden oo lagu eedeeyey dambiyo ay ka mid yihiin haysashada hub sharci-darro ah iyo khiyaano dhanka canshuurta ah.
Bayaan kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu shaaciyey cafiska loo fidiyey Hanter, isagoo Biden ku xusay bayaanka in wiilkiisa si gaar ah loo beegsanayay, isla markaana uu wajahayay maxkamad caddaalad-darro ah.
Wiilka Madaxweynaha ayaa bishii lasoo dhaafay ee September qirtay dambiyada loo haysto waxaana la filayay in bartamaha bishan December ay maxkamaddu xukun kasoo saarto.
Biden ayaa dhawr jeer oo hore laga hayay hadallo sheegaya in uusan cafin doonin wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamaddu ku xakunto.
Hunter oo qabatimay isticmaalka daroogada ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump.
Trump oo dib loo doortay, dhawaanna la wareegi doona xilka madaxweynaha Maraykanka, ayaa cafiskan ku tilmaamay tacaddi iyo cadaalad dhicisoowday.
Biden oo noqonaya madaxweynihii u horeeyey ee cafis u fidiya wiilkiisa ayaa wajahaya eedo hor leh, iyadoo xubno ka tirsan Jamhuurigu ay "Beenaale” ku tilmaameen.