Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka DF-ka Somaliya iyo maamulka Jubbaland.

Thursday November 21, 2024 - 08:11:13
Liibaan Jeexoow
Dalalka shisheeye ee isugu yeedha saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujiyey khilaafka sii cakirmaya ee ka dhex aloosan DF-ka Soomaaliya iyo maamulka la baxay Jubbaland.
Bayaan ay dalalkani soo saareen ayaa lagu booriyey dhammaan saamileyda siyaasadda inay ka qayb-galaan dooddo wax-ku-ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Sidoo kale bayaankan ayaa Jubbaland loogu baaqay inay dib ugu laabato GWQ si wada-hadal furan looga yeesho arrimaha taagan, loona soo celiyo xidhiidhkii kala dhexeeyey DF-ka Soomaaliya.

"Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisad-abuuridda oo ay dib u billaabaan wadahadal furan, ka-hor inta aan la dhamaystirin geeddi-socodka doorashada” ayuu lagu yidhi bayaanka.

Baaqan ay beesha caalamku soo saartay ayaa yimi kadib markii danjirayaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Jarmalka, Midowga Yurub, sii-hayaha ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, urur-goboleedka IGAD iyo ATMIS ay kulan la yeesheen Axmed-madoobe.

Kulankan oo ahaa mid fogaan-arag ah (Zoom) ayaa ilo-wareedyo aanu helnay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland Axmed-madoobe uu warbixin faahfaahsan ka bixiyey halka ay marayso xaaladda doorashooyinka deggaannada Jubbaland.

Dhinaca kale, wararkii ugu dambeeyey ee Jubbaland ka imanaya ayaa sheegaya in Axmed-madoobe uu Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubaland ninka lagu magacaabo Sheekh Abdi Yuusuf Cali.

Axmed-madoobe iyo guddoomiyaha KMG ee baarlamaanka Jubbaland ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa qaybaha dhiman sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Baaqyada kasoo yeedhaya beesha caalamka ayaa ilaa haatan aan waxba ka bedelin hanaan-socodka doorasho ee Axmed-madoobe ka abaabulay deggaannadaasi, iyadoo la filayo in maanta ay qabsoonto doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee Jubbaland.


Related Items

Update cookies preferences