Maamulka Jubbaland oo sheegay in uu xiray garoomada diyaaradaha gobolka Gedo

Sunday November 24, 2024 - 13:43:50
Liibaan Jeexoow
Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaadka ayaa lagasoo sheegayaa xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Maleeshiyaad daacad u ah Xamza Cabdi Barre R/wasaaraha DF-ka Somaliya ayaa isku aruursaday halka loo yaqaan Kaboore ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay difaacyo ka qoteen.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in kumanaan maleeshiyaad ah oo daacad u ah Axmed Madoobe ay isku gedaameen xarumaha muhiimka u ah maamulka iyadoona amar lagu siiyay in ay la dagaallamaan maleeshiyaadka taabacsan kooxda Villa Somaliya ee xaafadaha Kismaayo isku abaabulayo.

Maxamed Oogle oo ah wasiirka arrimaha gudaha maamulka Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay in ay xireen dhammaan garoomada diyaaradaha gobolka Gedo isla markaana ay mas'uuliyiinta kooxda Xamse Cabdi Barre ka mamnuuceen in ay tagaan Jubbada hoose iyo Gedo.

Ooge ayaa amar ku siiyay ciidamada maamulkiisa in ay tallaab adag ka qaadaan cid walba oo isku dayda in ay carqaladayso wax uu ugu yeeray doorashada jubbaland.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubballand ayaa Xasan Gurguurte ku eedeeyay in uu dagaal siyaasadeed iyo mid beeleed ka hurinayo geyiga Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay colaadaha ka jira gobollada dhexe

Maamulka Jubbaland ayaa qiray in uu lahaa amarkii lagu celiyay diyaarad ay la socdeen mas'uuliyiin ka tirsan kooxda Xasan Gurguurte taasi oo shalay laga celiyay gegida diyaaradaha degmada Garbahaarey.

Ciidamada Xabashida ee ku sugan degmooyinka Dooloow, Luuq, Baardheere iyo Garbahaareey ayaa ku wargeliyay diyaaradaha gobolka ka shaqeeya in aysan soo qaadi karin xubin ka tirsan kooxda Villa Somaliya, arrinkaas oo banaanka soo dhigaya in Xasan Gurguurte iyo Xamza Cabdi Barre aysan ka talin meel ka baxsan Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ee Kismaayo ka jira ayaa meeshii ugu xumeed gaaray waxaana laga cabsi qabaa in ay dhacaan dagaallo hor leh iyadoona Axmed Madoobe uu qorshaynayo in uu berri mar kale is-caleema-saaro.

Related Items

Update cookies preferences