Axmed-madoobe oo mar kale dib loo doortay una gooddiyey dawladda federaalka Soomaaliya.

Monday November 25, 2024 - 11:54:18
1147
Liibaan Jeexoow
Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe) ayaa goor dhawayd baarlamkaanka Jubbaland u doorteen madaxweynaha cusub ee shanta sano ee soo socota.
Doorashadan oo ahayd mid qabsoomiddeeda ay si weyn uga soo hor-jeedday dawladda federaalku ayaa kusoo idlaatay rabitaankii Axmed-madoobe.

Axmed-madoobe ayaa markii loogu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada jeediyey khudbad uu si weyn ugu duray dawladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka uu gadh-wadeenka ka yahay Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay in uu ciidamo ku daad-gureeyey deegaanka Raaskaambooni ee gobolka Jubbada hoose.

Waxa uu sheegay in aan la aqabali karayn cid aan ka tirsanayn ciidanka oo soo fara-gelisa hawlaha amniga iyo shaqooyinka khuseeya.

Madaxweynaha dib isku-caleema-saaray ee Axmed-madoobe ayaa sheegay in R/wasare Xamse loo adeegsanayo burburinta Jubbaland waxaanu ku tilmaamay nasiib-darro.

Madoobe ayaa sheegay in ciidankiisu ay gacanta ku hayaan ammaanka, oo aanay marnaba dhici karin in Xamse uu burburiyo Jubbaland.

Waxa uu meesha uu ka saaray jiritaanka ciidan kale oo isaga kasoo hor-jeeda, isagoo shaaca ka qaaday in uu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo dawladda Federaalka.

"Waxaan dawlado ka diiday Soomaalinimaan ku ogolahay, waxaan cid kale ka diiday Soomaalinimaan ku ogolahay….” Ayuu yiri Axmed-madoobe.

Axmed-madoobe ayaa sheegay inay gacanta ku qaban doonaan cidda carqaladaynaysa amniga, waxaanu yiri isagoo u duur-xulaya mucaaradkiias "Waxaan aqaanno ciidankaa ugu muhiimsan oo ugu badan…”

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga soo hor-jeedda doorashadan ka qabsoontay magaallada Kismaayo, waxaanay shaacisay in aanay aqoonsanayn.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in deggaanka Raaskamboobi ee Jubbada hoose ay dawladda federaalku maanta ka dejisay labo diyaaradood oo ciidan ah.

Dhanka kale mucaaradka Axmed-madoobe oo ay dabada ka riixayso dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay sabtidii in ay madaxweynaha Jubbaland u doorteen xildhibaan Ilyaas Gaboose.

Related Items

Update cookies preferences