Taiwan oo ka dhawaajisey in aanu isbeddelayn xiriirka ay la leedahay Somaliland.

Thursday November 28, 2024 - 11:24:31
Liibaan Jeexoow
Xukuumadda xarunteedu tahay Taipei ee ka dhisan Taywaan ayaa sheegtay in xiriirkii ay la lahayd maamulka Somaliland aanu isbeddelin ee uu sidiisii yahay.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee maamulka Taywaan ayaa hambalyo u dirtey madaxweynaha loo doortey Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.

Wasaaradda ayaa intaa raacisay in aanay habayaraatee waxba iska beddeli doonin xiriirkii Somaliland-Taiwan.

Maamulladan goonni goosadka ah ee Somaliland iyo Taiwan ayaa xiriirkoodu bilaabmey intii Muuse Biixi talada Somaliland hayey taas oo ku beegan taariikhdu markay ahayd 2020.

Agaasimaha Wasaaradda Dibedda Taiwan u qaabilsan Afrika iyo Asia ninka lagu magacaabo Wang Wen-lin ayaa Khamiistii sheegay in ay hambalyo u direen Somaliland.

Taiwan ayaa xafiisyo ka furatey SL halka Somaliland-na xafiisyo ay ka furteen Taipei.

Cabdiraxmaan-Cirro oo isagu ah ninka guuleystay ayaa lagu xamanayey in uu xiriir la leeyahay Shiinaha oo ay aad isaga soo horjeedaan Taywaan.

Maamulka Taiwan oo la aamminsan yahay in uu wakiil ka yahay Mareykanka ayaa lacago malaayiin doollar ah ugu deeqay Somaliland.

Taywaan waxa ay dhawaan bixisey 24milyan oo doolar taas oo ay u qorsheeyeen dhiska cisbitaal iyo 2milyan oo ay ugu deeqeen Komishanka Doorashooyinka.

Ugu dambayn Somaliland waxa ay muddo kor u dhaafeysa 30sano raadinaysay ictiraaf halka Taywaan sidoo kale ay raadinayso in ay ka go’do Shiinaha intiisa kale.

Related Items

Update cookies preferences