Maamulka isku magacaabay Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ayaa wajahayo cadaadisyo siyaasadeed iyo kuwa melleteri oo uga imaanaya Xamza Cabdi Barre.
Ciidamadii ugu badnaa ayaa mar qura ka goostay Axmed Madoobe oo khilaaf daran kala dhaxeeyo DF-ka, wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo ku sugnaa Jaziiradda Kudhaa ay iska dhiibeen deegaanka Raas Kaambooni.
ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Axmed Madoobe uu xalay khadka taleefanka kula hadlay taliyaha ciidanka ee deegaanka Kudhaa wuxuuna ku amray in uu soo aado dhanka Kismaayo balse taliyaha oo ka baqay in laxiray ama ladilay ayaa si lama filaan ah ciidamadii la socday iyo isaga waxay ugoosteen Raas Kaambooni halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen maleeshiyaad daacad u ah Xamza Cabdi Barre.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xukuumadda Federaalka ay lacago malaayiin Dollar ah ku bixinayso kala furfuridda maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe iyadoo u adeegsanaysa sarkaal horay usoo noqday taliyaha Nabad sugidda Jubbaland haddana ah taliyaha ciidamada lugta.
Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa durbadiiba ciidan cusub geeyay Jaziiradda Kudhaa oo ay horay gacanta ugu hayeen ciidamadii iska dhiibay Raas Kaambooni.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay sidaan oo kale ciidamo ka goostay Axmed Madoobe isaga dhiibeen deegaannada Kulbiyoow iyo Raaskaambooni