50 qof oo dhac lagu eedeeyay oo lagu xirey Ceerigaabo.

Monday December 23, 2024 - 14:54:01
Liibaan Jeexoow
Golaha Deegaanka ee magaalada Ceerigaabo oo kaashanaya laamaha amniga ee gobolkaas ayaa sheegay in ilaa 50 dhallinyaro ah loo xir-xirey kiisas la xiriira bililiqo maalmihii u dambeeyay ka socotey magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Falalkan bililiqada ah ayaa yimid ka dib markii qayb kamid ah dadkii deggenaa Ceerigaabo ay ka barakaceen sababo amni darteed.

Golaha Deegaanka ee Degmada Ceergaabo ayaa dadkii barakacey ugu baaqey in ay ku soo laabtaan magaalada isla markaana ay magaaladu amni tahay.

Booliska magaalada ayaa sheegay in saldhigyo kale oo magaalada ku yaalla ay ku xirxiran yihiin dhallinyaro badan oo lagu qabtey falalkan gurracan ee dhaca ah.

"Waxaanu waagii beryaba magaalada gelinnaa 8 gaari oo subixii shaqeeya iyo 8 gaari oo habeenkii beddela kuwaas oo ka hortagaya bililiqada” ayuu yiri Taliyaha Booliska Ceerigaabo.

Taliyaha ayaa ka dhawaajiyey in dadka ay hayaan ku dhow yihiin 200 oo qof. "Dadka aanu hayno saldhiggan mooyaane saddex saldhig oo kale intan in ka badan ayaa ku xiran”.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Ceerigaabo ayaa degganayd maalmihii u dambeeyay oo aan wax dagaal ahi ka dhicin. Malleeshiyo taabacsanayd maamulka SSC-Khaatumo ayaa isku dayey in ay magaalada ka qabsadaan maamulka Somaliland laakiin arrintaasi ma dhicin.

Related Items

Update cookies preferences