Shil baabuur oo hal qof ku geeryooday siddeed kalena ku dhaawacmeen ayaa maanta ka dhacey magaalada Hargeysa gaar ahaan dugsi lagu magacaabo Faarax Oomaar.
Gaariga shilka galey oo noociisu Bas ahaa ayaa gebi ahaanba siday ardey ciyaalo iskool ah.
Agaasimaha Cisbitalka Guud ee Hargeysa oo faahfaahin ka bixiyey shilka ayaa ka dhawaajiyey in siddeed gabdhood dhaawac soo gaarey halkaas oo mid kamid ah xaaladdeedu liidato hal gabar oo kalena ay dhimatey.
Agaasimaha ayaa tacsi u direy bahda waxbarashada iyo gaar ahaan dugsigii ay ardeydu dhiganayeen.
"Waxa dhacay shil culus, guud ahaan shilka waxa wax ku noqday sagaal qof, mid kamid ahina way dhimatey” Agaasimaha Cisbitalka Hargeysa.
Shilalka baabuurta ayaa badanaa ka dhaca Hargeyso gaar ahaan waddooyinka isku xira magaalooyinka.
Tan ayaa noqon karta in dareewalladu aaney xirfad ku filan lahayn ama jidadka oo ciriiri ah isla markaana aan lahayn tayo fiican oo markii la sameeyoba burbura.