Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya qarax culus oo maanta ka dhacay magaallada Baladweyne.
Qaraxan ayaa sida lagu warramayo waxaa fuliyey xoogagga Al-Shabaab, waxaanay si gaar ah ula beegsadeen isbaaro maleeshiyaadka dawladda u taallay xaafadda Buundada weyn.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare aanaan weli helin faahfaahintiisa oo maleeshiyaadka kasoo gaaray qaraxaasi lagu weeraray.
Gobolka Jubbada hoose, waxaa kasoo baxaya warar sheegaya hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha magaallada Kismaayo.
Xogaha ayaa tibaaxaya in hawl-galkaasi ugu yaraan lagu dilay 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Jubbaland, gaar ahaan kuwa gaarka ah ee loo yaqaan "Special Forces”.
Hawl-gallada dhiig-baxa ah ee lagu beegsanayo daba-dhilifyada Soomaaliya iyo ciidamada shisheeyaha ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.