Jabhadda Xoraynta Oromada ee magaceeda loosoo gaabiyo OLA, ayaa lagu soo waramayaa inay weerar geystay khasaare xooggan ay ku qaadeen magaallada Sululta oo 25 u jirta caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in weerarkani uu dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaanu kusoo beegmay xilli lagu jiray qaban-qaabada shir-madaxeedka 38-aad ee Madaxda Midowga Afrika oo maanta oo Sabti ah ka furmay magaallada Addis Ababa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uulkaasi oo magaciisa lagu sheegay Abebe Worku lala dilay rag ka tirsan ilaaladiisa iyo weliba saraakiil kale, inkastoo tiradooda ilaa hadda aan si rasmiya loo xaqiijin.
Weerarkan ayaa yimi usbaac kadib markii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Itoobiya ee (NISS) ku dhawaaqday in hawl-gal millatari oo iska kaashanayaan Kenya ay ku qaadayaan maleeshiyaadka OLA ee waqooyiga Kenya.
Maamulka ra'iisul-wasaare Abiy Axmed iyo maamulka gobolka Oromada ayaa muddo dhawr sano ah ku andacoonayay in kooxdan loogu yeero "Shene" (OLA), ay si weyn u wiiqeen oo aysan hadda awood u lahayn inay qaadaan weeraro waaweyn.
Bishii Disembar 2023, dawladda Xabashida Itoobiya waxay ku dhawaaqday inay heshiis nabadeed la gashay garab ka mid ah jabhadda OLA ee uu hoggaamiyo Jal Segni. Waxaana kumanaan ka tirsan dagaalyahanada isaga ka amar qaata loo ogolaaday inay galaan Addis Ababa iyagoo aan hub ka dhigin.
Xilligan, ma cadda in kooxo hubaysan ee Jal Segni ka tirsan ay goosteen oo ay ku biireen garabka kale ee OLA ee uu hogaamiyo Jal Mero si ay u xoojiyaan hawlgalka ka socda deegaanada ku dhow Addis Ababa.
Kooxda OLA ee hoos-tagta Jal Mero ayaa war ay ku baahiyeen baraha bulshada ku sheegtay in iyagu ay fuliyeen weerarkan ka dhacay Sululta, kuna dileen mas’uul sare oo xisbiga barwaaqa-sooranka ugu magacawnaa degmadaasi, iyo taliyihii nabad-sugidda ee degmada iyo weliba xubno la socday.
Sidoo kale Jabhadda OLA waxay ku sheegtay bayaankan ay soo saartay, in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal oo ay ku jiraan dhawr xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka degmadaasi.
Jabhadda Xoraynta Oromada ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkoodan ku sheegay in weerar rogaal-celis ah ay ku qaadeen deegaanka Arsii ee gobolka Oromada isla markii uu dhacay weerarka Sululta.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayay wararku tibaaxayaan in ay qiratay in dad ka tirsan maamulkeedu ay fududeeyaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka ay ka fuliyeen Jabhadda OLA.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ee Xabashida Itoobiya iyo weliba maamulka gobolka Oromada oo ku aaddan weerarkan magaallada Sululta iyo dhacdooyin kale oo dhawaan ka dhacay gobolkaasi.
Jabhadda OLA ayaa si weyn uga hawl-gasha inta badan gobolka Oromada waxaana lala xiriirinayaa kumanaan shacab ah oo ka tirsan qowmiyadda Axmaarada oo lagu laayay dhulka miyiga ah, iyadoo sidoo kale la sheegay in kooxdu ay ku lug leedahay afduubyo baahsan oo soo noqnoqday, oo inta badan laga qaato madax-furasho.