Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab ay ku khaarajiyeen mas'uul ka tirsan maamulka la baxay Jubbaland.
Maxamed Axmed (Siigaalle) oo ahaa guddoomiyahii maamulka Jubbaland ugu magacawnaa deggaanka Wada-jir ayaa hawl-galkaasi lagu dilay, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo aanu helnay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkaasi ay xoogagga Al-Shabaab kusoo furteen 2 qori oo AK47 ah, iyo gaari Succeed ah oo sida la sheegay uu lahaa mas’uulkan la dilay.
Weerarradan lagu dhiig-bixinayo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo dabadhilifyadooda ayaa si joogta ah uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.