Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa weerarro kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollada Banaadir, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Gedo oo dhammaantood dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.
Gobolka Banaadir, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay qaraxyo la beegsaday fariisinno ay maleeshiyaadka Gurguurte ku leeyihiin isgoyska Saybiyaano ee degmada Hodan iyo isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxyadaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii la weeraray.
Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay weerar ay xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen isbaaro maleeshiyaadka Gurguurte u taallay afaafka hore ee demada Qoryooley.
Xogta laga helayo weerarkaasi ayaa sheegaysa in lagu dhaawacay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii ku sugnaa isbaaradaasi.
Sidoo kale gobolka Shabeellaha hoose, waxaa habeen hore ka dhacay dagaallo culus oo lagu qaaday xerada askarta Uganda iyo maleeshiyaadka DF ee degmada Jannaale iyo weliba saldhigga maleeshiyaadka dawladda ee deggaanka Sabiid.
Shabeellaha dhexe, dagaallo culus oo u dhaxeeya xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Xasan Gurguurte ayaa shalay ka dhacay duleedka magaallada Balcad.
Dagaalladan oo sida lagu warramayo bilawday barqanimadii shalay ayaa socday ilaa galabnimadii shalay, waxaanay wararku tibaaxayaan in ka badan 9 jeer in lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in dagaalladaasi qaatay saacadaha badan lagu dilay ugu yaraan 14 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte, 21 kalena lagu dhaawacay.
Gobolka Gedo, waxaa ka dhacay weerar ay xoogagga Al-Shabaab habeen hore ku mireen xerada askarta Xabashida Itoobiya ay ka deggen yihiin degmada Baardheere.
Sidoo kale hawl-gal qorshaysan oo qarax ah ayay xoogagga Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha demada Balad Xaawo, halkaas oo bar-tilmaameedku ahaa maleeshiyaadka DF Somaliya.
Xogta kasoo baxaysa weerarkan ayaa sidoo kale sheegaysa in maleeshiyaadkan si gaar ah loogu beegsaday fariisin ay ku leeyihiin Kantaroolka looga baxo dhanka Garbahaarey.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii la beegsday.
Weerarrada lagu dhiig-bixinayo ciidamada shisheeye ee soo qaadday duullaanka gardarrada ah iyo daba-dhilifyadooda ayaa si xawliya uga socda guud ahaan dalka Soomaaliya.