Dagaallo lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte oo maana ka dhacay duleedka Balcad.

Saturday February 15, 2025 - 15:50:13
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in maanta mar kale ay dagaallo ka dhaceen duleedka magaallada Balcad.
Dagaalladan ayaa daba socda dagaallo shalay ka dhacay deggaannadaasi oo dhex-maray xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Xasan Gurguurte.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalladaasi tiraba dhawr jeer lagu jabiyey dagaalmaleeshiyaadka Gurguurte isla markaana uu jiro khasaare la gaarsiiyey.

Shalay ayay ahayd markii sagaal jeer lagu baacsaday maleeshiyaadka Gurguurte dagaallo ka dhacay isla duleedka Balcad, lagana dilay 14 askari, 21 kalena laga dhaawacay.

Weerarrada lagu naafaynayo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah shisheeyaha ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences