Xilli uu sare u sii kacayo khilaafka u dhaxeeya kooxda Villa Soomaaliya ayuu mid ka mida xildhibaannada baarlamaanka ahna dagaal ooge hore, wuxuu si weyn u macaaraday falalka uu Xasan Gurguurte ka geysanayo magaallada caasimadda ah ee Muqdisho.
Cabdi Qeybdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha DF-ku uu isku bedelay dhul-xaalufiye isla markaana uu hantidii umadda ka iibsanayo ganacsato iimaan-laawayaal ah wuxuuna muujiyay walaaciisa ku aaddan dhibaatada haysata shacabka gobolka Banaadir.
Sidoo kale Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah Senatarada aqalka Sare ayaa weerar siyaasadeed ku qaaday Xasan Gurguurte wuxuuna ku eedeeyay in uu kala qeybsanaan ka dhax abuuray maamullada daba-dhilifyada ah, wuxuuna soo hadal-qaaday wax-ka-bedelka dastuurka iyo doorashada uu Gurguurte abaabulayo.
Dhawaqa kasoo yeeray xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xilli ay qolqolotooyin siyaasadeed ka dhex aloosan yihiin siyaasiyiinta shisheeye-kalkaalka ah ee ka tirsan maamullada daba-dhilifyada u ah shisheeyaha dalka kusoo duullay.