Taliyaha ciidanka Yahuudda oo sheegay in ku dhowaad 6000 oo askari looga dilay dagaalka Qaza

Wednesday February 05, 2025 - 05:50:17
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidanka Yahuudda sahaayinada kasoo gaaray howlgalka duufaanta Al Aqsaa ee xoogaga muqaawamada Falasdiin ay iclaamiyeen sanaddii 2023.
Warbixin rasmi ah oo kasoo baxday taliska ciidanka Yahuudda ayaa lagu sheegay in ay wax iska bedeleen tirakoobka khasaaraha dhimashada ciidamada Sahaayinada.

Telefeshinka 12aad ee maamulka Yahuudda oo soo xiganaya taliyaha cusub ee ciidanka Yahuudda ayaa sheegay in askarta sahaayinada looga dilay howlgalkii duufaanta Al-aqsaa iyo dagaalka Qaza ay kor udhaaftay 5942 askari halka ay dhaawacyadu gaareen 15 kun oo askari.

Taliyaha cusub ee ciidanka Yahuudda ayaa carrabaabay in sheegidda askarta dhimatay ay tahay mas'uuliyadda wuxuuna qeybta caafimaadka ee Jeysh-ka Yahuudda ku amray in ay daryeelaan askarta ku dhaawacantay dagaalkii Qaza.

Weerarada jidgal ah iyo miinooyinka aadka u qarxa ee muqaawamadu ay labeegsadeen ciidanka Yahuudda ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac lixaad leh, taliyihii hore ee ciidamada Yahuudda ayaa aad udiidi jiray in warbaahinta lala wadaago khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada sahaayinada soo gaaray.

Howlgalkii Duufaanta Al-aqsaa ee dhacay 7,October 2023 ayaa Yahuudda dhaxalsiiyay khasaarihii ugu xooganaa abid ee soo gaara tan iyo markii xoogga lagu dejiyay dhulalka muslimiinta Shaam sanaddii 1948-dii.

Related Items

Update cookies preferences