Weerarro xalay lagu miray askarta Xabashida Itoobiya, Uganda iyo maleeshiyaadka DF Somaliya.

Monday February 10, 2025 - 08:08:08
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobollo ay ka mid yihiin Shabeellaha hoose iyo Gedo.
Shabeellaha hoose, waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada askarta Uganda ee deggaanka Danow.

Sidoo kale, dagaalyahannada Al-Shabaab waxay weerareen habeennimadii xalay maleeshiyaadka DF Somaliya ee ku sugan degmada Jannaale ee Shabeellaha hoose.

Geesta kale xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku miray askarta xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in weerarradani ay dhammaantood u dhaceen sidii loo qorsheeyey, balse weli kama aanaan helin faahfaahin dheeriya.

Related Items

Update cookies preferences