Kadib hawl-galladii ballaarnaa ee xoogagga Al-Shabaab ay kula wareegeen deggaannada Ceel-Baraf, Ceel Cali Axmed, Cali Fool Dheere, Daarunicma iyo Al-Kowthar, waxaa xigay oo isla khamiistii ay si nabad-galyo ah kula wareegeen deggaanka Caadley oo hoos-taga isla degmada Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Maleeshiyaadkii halkaasi joogay ayaa lagu soo warramayaa inay oodda jabsadeen kadib markii ay ogaadeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo kusoo dhawaaday.
War-saxaafadeed kasoo baxay xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarradaasi khasaare culus lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka DF Somaliya.
Ugu yaraan 200 oo isugu jirta askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu sheegay bayaanka in dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen weerarradaasi xasminta ah ee ka dhacay deggaano ka tirsan Shabeellaha dhexe.
Waxa aanu helnay magacyada qaar ka mid ah saraakiishii Gurguurte ee lagu dilay dagaaladii ka dhacay Shabeellada dhexe, waxaana ka mid ah: 1-Gacma-dheere-Taliye Urur. 2- Cirro-Abaanduulle Urur. 3- C/Raxmaan Dheere-Taliye Horin.
Sidoo kale waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah Saraakiishii lagu dhaawacay dagaaladii shaley ka dhacay Shabeellada dhexe oo ay ka mid yihiin: 1- Xasan Dhicisow-Taliyaha Booliska Hirshabeelle. 2- Jeylaani Abaanduule Urur. 3- Axmed Dheere-Taliye Urur.
War-murtiyeedka kasoo baxay xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in gacanta lagu dhigay maxaabiis dagaal iyo dhammaan agabkii, sahaydii iyo saanaddii ciidan ee taallay saldhigyada lagala wareegay maleeshiyaadka Gurguurte.
Bayaanka oo wax ka iftiiminayay qaybo ka mida agabyadaasi ayaa sheegay in saanaddaasi lala wareegay ay ku jiraan 7 gaadiid ah oo isugu jira kuwa xamuulka iyo gawaarida loo yaqaan tiknikada ee qoryuhu ku rakiban yihiin.
Hawl-galladu intaas kuma aanay joogsane, waxa kale oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay shalay la wareegeen deegaanka "Miir-taqwo" oo hoostagta degmada Mahadaay ee Shabeellada Dhexe.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa deggaankanna kula wareegay si nabad-galyo ah kadib markii maleeshiyaadka Gurguurte ay isaga carareen halkaasi markii ay maqleen gulufka kusoo maqan.
Waxa kale oo jira dagaal shalay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen deggaanka Boos-caamir oo dhaca duleedka Al Kowthar ee Shabeellada dhexe, waxaana jira khasaare laxaad leh oo dhabarka loo saaray maleeshiyaadkii laga fara-maroojiyey halkaasi.
Geesta kale ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in xalay uu dhacay weerar dhabbo-gal ah oo xoogagga Al-Shabaab ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gurguurte.
Kolonyadan ayaa lagu soo waramayaa in la weeraray iyagoo maraya inta u dhaxeeysa Ceel-Baraf iyo degmada Jalalaqsi, waxaanay wararku tibaaxayaan in uu jiro khasaare xooggan oo soo gaaray maleeshiyaadka Gurguurte.
Gobolka Banaadir laftarkiisa waxa ay wararku sheegayaan in goor dhawayd oo saaka ah uu qarax xooggan oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab uu ka dhacay Kantaroolka maleeshiyaadka Gurguurte ee isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan ee magaallada Muqdisho.
Gobolka Baay, waxaa isna ka dhacay habeen hore qarax ay xoogagga Al-Shabaab ku weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya ee ilaalada ka haya garoonka magaallada Baydhabo.
Xogo dheeraad ah oo weerarkaasi kasoo baxay ayaa sheegaya in ugu yaraan lagu dhaawacay 2 askari oo ka kala tirsanaa ciidanka Xabashida iyo maleeshiyaadka Laftagareen ee madaxa maamulka la baxay Koonfur Galbeed.
Isku soo wada duuboo Raayada Tawxiidka ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay ka babanayso dhammaan deggaannadii ay la wareegeen ee gobolka Shabeellaha dhexe kuwaas oo haatan laga dareemayo xasilooni buuxda iyo amni.
Sawirro la baahiyey ayaa waxaa kasoo muuqanaya iyadoo degmada Ceel-Baraf iyo deggaanka Miir-taqwo ay dhex mushaaxayaan dagaalyahannada Al-Shabaab isla markaana ka ay ka adeeganayaan meheradaha ganacsiga.
Dadweynaha iyo dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa si caadiya isugu dhex-jira waxaana lagu kala sooci karaa uun tuuttaha ciidanka. Waxaanay arrintani muujinaysaa qaabka ay bulshadu ugu riyaaqsan tahay isbedelka dhacay. Halkan hoose kaga bogo sawirradii Miir-taqwo iyo weliba qaar ka mida Ceel-baraf.